Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne FARMAAJO muxuu ku macneeyey guusha Abiy ee doorashadii Ethiopia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta war kasoo saaray natiijadii doorashada Ethiopia, taasi oo uu ku guuleystay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada.

Farmaajo oo ugu horeyntii guushaas ugu hambalyeeyay Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku macneeyay natiijada doorashada Ethiopia mid uu Abiy Ahmed “muddo xileed kale oo awood badan kaga helay” shacabka Ethiopia.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta xukuumadda Abiy Ahmed si loo sii xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladooda iyo shacabka labada dal.

“Waxaa si diirran ugu hambalyeynayaa PM Abiy Ahmed, Soomaaliya waxay sii wadi doonta la shaqaynta dowladdiisa (xukuumadda Abiy) si loo sii xoojiyo xiriirkeenna laba geesoodka ah, si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”

“Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane PM Abiy Ahmed,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Guushan la shaaciyey ee doorashada Ethiopia, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah.

Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia.

The post Madaxweyne FARMAAJO muxuu ku macneeyey guusha Abiy ee doorashadii Ethiopia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this