Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Beesha caalamka oo weli diidan bixinta lacagta doorashooyinka + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa u muuqato inaysan ku dhici karin waqtiga loo asteeyey ee ah 10 October sida lagu dhigay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sababaha ugu weyn oo aysan doorashada waqtigeeda ugu dhici karin ayaa ah in Beesha Caalamka ay weli daahineyso lacagihii laga sugayey inay ku bixiso doorashada Soomaaliya.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, Beesha Caalamka ayaa weli ku kalsooneyn in dhinacyada siyaasadda ee Soomaalida ay si madax banaan u qaban karaan doorasho la isla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacdo.

Wasiirka Maaliyada dowlada federalka ayaa dhawaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.

Beesha Caalamka ayaa dedaal badan waxay ku bixisay sidii doorasho deg-deg ah uga qabsoomi lahayd Soomaaliya, ayaga oo si weyn u taageeray dedaalada ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen hogaanka dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sikastaba ha ahaatee, lacag la’aanta soo wajahay geedi-socodka doorashada ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato qabsoomida coddeynta la filayo isla markaana ay hor istaagto horumarkii ugu dambeeyay.

25 Bishaan ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada aqalka sare, welina ma muuqato diyaar garow loogu jiro doorashadaas, taasoo loo sababeeyey inaan weli la heyn lacagihii doorashada lagu dhaqaajin lahaa.

The post Xog: Beesha caalamka oo weli diidan bixinta lacagta doorashooyinka + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this