Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay guusha Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo_Abiy_Kenya-6.jpg?resize=810%2C5

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii dhawaan ka dhacday Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri “Waxaan si diirran ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasare Abiy Axmed Ali oo sharciyad adag ka helay shacabka Itoobiya”

“Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta dowladiisa si loo sii xoojiyo xiriirkeena laba geesoodka ah si ay uga faa’iideystaan shacabka labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn mudane Ra’iisul Wasaare” ayuu sii raaciyay madaxweyne Farmaajo.

Guddiga doorashooyinka qaranka dalkaas ayaa shalay galinkii dambe sheegay in xisbiga EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey uu ku guuleysay 410 ka mid ah.

Xisbiga xisbiga EPP ee hoggaamiyo Ra’iisul awasaare Abiy Axmed ayaa 174 kursi u baahnaa, si uu ugu guuleysto doorashada.

Doorashada ayaa weli ka dhicin ku dhawaad 100 deegaan doorasho oo ay uga qabsoomi wayday sababa amni darro.

Doorashadii dhawaan qeybo ka mid ah Itoobiya ka dhacday ayaa gorfeeyeyaal badani ku tilmaameen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.”

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay guusha Abiy Ahmed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this