Sign in to follow this  
Deeq A.

Argentina oo 28 sano kadib ku guuleysatay Copa America

Recommended Posts

Deeq A.   
Argentina1.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Xulka kubbadda cagta Argentina ayaa xalay ku guuleysay koobka Copa America, kaddib markii uu 1-0 uga adkaaday xulka ay xifaaltamaan ee Brazil.

Ciyaartii kama-dambeysta ee koobka Copa America ayaa ka dhadcay garoonka Maracano magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, waxayna Argentina goosha uga mahadcelinaysaa Angel di Maria oo dhaliyay qadiiqadii 22-aad.

Argentina ayaa koobkan ku guuleysatay 28 sano kadib, halka Lionel Messi uu soo afmeeray koobkii la’aantii caalamiga ahayd ee uu la raadinayay dalkiisa.

Xiddigihii ugu fiicnaa koobka Copa America ayaa waxaa ku guuleystay Lionel Messi iyo xiddiga Brazil ee Neymar.

PUNTLAND POST

The post Argentina oo 28 sano kadib ku guuleysatay Copa America appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this