Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Reer Waqooyi oo Yeeshay Labo Guddoon oo SEIT ah, Akhriso Sababta!

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareeray xiisadda doorashada guddiga doorashada SIET ee reer waqootiga ee ka dhacaysay caasimadda Muqdisho.

Arrintan ayaa timid kadib markii sabtidii garabka ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay si iskood ah u doorteen guddoon SIET, tiiyoo jawaab looga dhigay in garabka kale ee guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ay isuguna doortaan guddoon kale oo SIET ah.

Garabka Mahdi Guuleed, oo ahaa  7 xubnood ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka Najiib Xuseen Samaale ay u doorteen   guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in guddiga doorashada qabtay aanay qeyb ka aheyn xubnihii uu soo magacaabay gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillahi .

Tallaabo lagu tilmaamay mid jawaab u ah isla shalay galab, saacado kadib, doorasho ay qabsadeen SIET-ka Somaliland garabka Guddoomiye Xaashi ayaa loo doortay guddoomiye Suleymaan Caydiid Cismaan halka ku xigeen loo doortay Cabdishakuur Abiib Xayir.

Khilaafka labada garab ayaa cirka isku shareeray iyada oo doorashada aqalka sare ay naga xigaan wax ka yar 10 maalin, ismariwaaga labada dhinac ayaa salka ku haya iyada oo kooxda Mahdi Guuleed oo ku xiran Villa Somalia ay doonayaan sadbursi dhan walba.

Dhankiisa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weli harsan yihiin labo qodob oo kala ah (1). Halkee lagu qabanayaa doorashada waqooyi (2). doorashada guddoonka SIET.

Mudane Samatar waxaa uu intaa raaciyey in garabka Guuleed ay doonayaan iney guddoonka qaataan halka kuwa madaxabannaan ay doonayaan ay doonayaan in dhexda la dhigo, waxaa kale oo ku daray in Afisyooni in lagu qabto, oo AMISOM iyo booliis ilaaliyaan ay cid walba raalli ka tahay halka Villa Somalia ay dooneyso Iskoolka Booliiska si ay u maamasho.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this