Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo Jooga Jubbaland, Odeyaal Xirxiran iyo Mas’uuliyiin Laga Kala Celiyey Kismaayo iyo Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyada oo ra’isul wasaare Maxamed Rooble uu haatan ku sugan yahay Jubbaland isla markaana uu booqasho ku tagay Kismaayo iyo Garbahaarey ayaa waxaa muuqato in kalsooni darrada labada magaalo ay cirka isku shareertay, iyada ay jiraan odeyaal xirxiran, mas’uuliyiin loo diiday iney tagaan Kismaayo iyo Garbahaarey iyo arrimo kale.

4-tii maalin ee ugu dambeysay waxaa dhacay arrimo tusaale u ah in labada magaalo ay weli ka jirto xurguf iyo kalsooni darro isla markaana fogtahay doorasho wadar-ogol ah.

Khamiistii, waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo laga soo celiyey diyaarad uu saarnaa lataliyaha Farmaajo ee dhanka doorashada Cabdi Cali Raage, ninkan ayaa ahaa musharax xildhibaan doorashadan 2021-ka.

Dhanka kale, waxaa maalin kadib iyada Garbahaarey laga celiyey diyaarad uu la socday musharaxa gudoomiyaha degmada Garba-haareey ee garabka madaxweyne Axmed Madoobe Cabdullaahi Cabdi Jaamac.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya iney jiraan 8 odey oo safar loo diiray, oo weliba ay intaas dheertahay odeyaal ku xirxiran Garbahaarey oo uu ku jiro Nabaddoon Ibaraahim Guuleed oo reer Siyaad ah iyo qaar kale.

Arrimahan dhacaya waxaa ay imaanayaan iyada 9 maalin ay ka hartay doorashada aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this