Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Uu Hoggaamiyo Abiy Ahmed Oo Ku Guuleystey Inta Badan Doorashada Itoobiya, Tirada Deegaanada Ayna Doorashadu Ka Dhicin Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Natiijada Doorashadii Itoobiya oo la shaaciyay ayaa la sheegay in ugu yaraan dhammaan kuraasta baarlamaanka ee loo tartamay ay ku guuleysteen xisbiga tallada haya ee EPP.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya oo shaaciyey natiijada doorashadii 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya ayaa sheegay in xisbiga tallada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay.

Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xidhiidha amni darro iyo arrimo kale.

Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021.

Xisbiga raysal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto.

Dhammaan xisbiyada mucaaradka ayaa waxaa ay ku guuleysteen 11 kursi oo kaliya halka hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee ECSJ Birhanu Nega laga guuleystey.

Doorashada guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this