Deeq A. Posted July 11, 2021 (SLT-Paris)-Hal qof ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay weerarkaasi oo xalay ka dhacay Degmdda Klaye Soyli oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Paris, sida ay shaaciyeen Hay’addaha Ammaanka. Nin ku hubeysanaa Tooreey oo u dhashay dalka Senigal ayaana la qabtay, kaasi oo la sheegay in Toorey ku dilay Nin dhallinyaro oo ka shaqeynayey Bakhaar lagu iibiyo Mobaylada, halka uu si xun u dhaawcay qof ka mid ah Macaamiisha oo doonayey inuu kala dhex galo. Ninka la dilay oo ahaa Kaaliyaha Mamulaha Tukaanka lagu iibiyo Mobaylada ayaa la sheegay inuu ahaa 18-jir. Dhinaca kale, Telefishinka dalka Faransiiska ee BFMTV waxa uu baahiyey in Ninka dilka geystay oo 62-jir ah uu ahaa qof hore Boliska ugu diiwaan gashanaa dembiyo la xidhiidha daroogada. Source Share this post Link to post Share on other sites