Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Ka Dhacay Dalka Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Hal qof ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay  weerarkaasi oo xalay ka dhacay Degmdda Klaye Soyli oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Paris, sida ay shaaciyeen Hay’addaha Ammaanka.

Nin ku hubeysanaa Tooreey oo u dhashay dalka Senigal ayaana la qabtay, kaasi oo la sheegay in Toorey ku dilay Nin dhallinyaro oo ka shaqeynayey Bakhaar lagu iibiyo Mobaylada, halka uu si xun u dhaawcay qof ka mid ah Macaamiisha oo doonayey inuu kala dhex galo.

Ninka la dilay oo ahaa Kaaliyaha Mamulaha Tukaanka lagu iibiyo Mobaylada ayaa la sheegay inuu ahaa 18-jir.

Dhinaca kale, Telefishinka dalka Faransiiska ee BFMTV waxa uu baahiyey in Ninka dilka geystay oo 62-jir ah uu ahaa qof hore Boliska ugu diiwaan gashanaa  dembiyo la xidhiidha daroogada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this