Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabe iyo caruurtiisa oo dil wadareed loogu geystay gobolka Mudug (Faah faahin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan lagu laayey dad isku qoys ahaa, kaas oo ka dhacay deegaanka Saax-Qurun oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa saddex qof, iyada oo sidoo kale lagu dhaawacay wiil 8 jir ah, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa kala ahaa labo caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray AUN Xasan Diiriye Cilmi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay oo mar qura rasaas ku furtay qoyskaasi ay goobta isaga baxsatay dhacdada kadib.

Sidoo kale waxaa deegaanka ay mashaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo lagu baadi goobayo ragga dilka geystay ka bilaabay halkaasi.

Sida aan xogta ku helnay dhacdadan ayaa salka ku heysa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen falkaasi, waxaase socda baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dhacdada.

Si kastaba deegaanada Galmudug ayaa waxaa inta badan dhaca weeraro iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo salka ku hayo aano Qabiil oo ka taagan Galgaduud iyo Mudug.

The post Aabe iyo caruurtiisa oo dil wadareed loogu geystay gobolka Mudug (Faah faahin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this