Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu laayay nin iyo carruurtiis oo ka dhacay Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo degaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay dad isku qoys ah.

Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe degaankaas ku dilay laba carruur ah iyo aabbahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi waalid.

Weerarka waxa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 sano jir ah.

Weerarkan oo lala xiriirinayo aanoa-qabiil ayaa lagu beegsaday qoys reer miyi ah oo degganaa baadiyaha degaanka Saax-qurun sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

PUNTLAND POST

The post Weerar lagu laayay nin iyo carruurtiis oo ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this