Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo dhaliil u jeedisay Culimaa’udiinka

Recommended Posts

Deeq A.   
Sahra-Kiin.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Wasiir ku xigeenka Haweenka dowladda Puntland, Sahra-kiin Cabdi Xirsi, ayaa si adag uga digtay Culimaa’udiinka in ay hor istaag ku sameeyaan Haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay muujiyaan hankooda Siyaasadeed.

Marwo Sahra-kiin, ayaa sheegtay in Culimadu aysan ka hadlin Gabdhaha duruufaysan ee Jaadka ku iibiya dariiqyada, islamarkaana dhex fadhiya boqollaalka nin, balse ay Diinta ka hadlaan markii Gabadhu siyaasad ka hadasho.

Gabdhaha daruuftu ku kaliftay inay banaanka jaad ku iibiyaan ntaas oo nin dhexda uga jiraan oo ay dhici karto in ay tacadi kala kulanto culumadu kama hadasho” ayay tiri Wasiirka.

Hasa yeeshee marka gabadhu tiraahdo talada waan wada leenahaye miiska aan wada fariisano waxaa lagu leeyahay diinta kuuma ogolee gurigaaga fadhi.”

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo dhaliil u jeedisay Culimaa’udiinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this