Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Sanyare: Danbiile Shabaab ah oo wax dilay inta qabanno Qabiil u sii dayn mayno

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa markii u horraysay jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray qaar kamid ah Odayaasha Muqdisho, kuwaas oo dalbaday in Puntland u sii dayso rag loo haysto Shabaabnimo oo ku xiran Gaalkacyo.

Guddoomiye Sanyare, ayaa sheegay in qof kasta oo ku eedaysan Shabaabnimo baaritaan lagu samaynayo, haddii lagu helayo sharciga la marin doono, haddii lagu waayana xorriyaddiisa dib loogu celin doono.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in aysan Qabiil iyo cid kale toon aka ogolaan doonin in la sii daayo qof ay ku caddaatay in uu Al-shabaab yahay, islamarkaana halis ku yahay Amniga iyo Xasiloonida dalka.

Danbiile Shabaab ah oo wax dilay inta qabanno Qabiil u sii dayn mayno, Qabiilku ama ha oriyo ama boqol qof ha dilo, ama qabiil kale wado ha u istaago. Qola aan la qabiilnahay ma jirto” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Odayaasha Muqdisho ka hadlay, in ay yihiin dad Al-shabaab adeegsanayso oo lagu amray hadalkaas, si loo sii daayo rag Shabaab loo haysto oo u xiran Puntland.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Sanyare: Danbiile Shabaab ah oo wax dilay inta qabanno Qabiil u sii dayn mayno appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this