Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku guuleystay doorashadii Itoobiya?

Recommended Posts

Deeq A.   
119003369_gettyimages-1184134713.jpg?res

Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPP ayaa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday 21 bishii hore ee Juun.

Guddiga doorashooyinka qaranka dalkaas ayaa goordhaweyd sheegay in xisbiga EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey uu ku guuleysay 410 ka mid ah.

Xisbiga xisbiga EPP ee hoggaamiyo Ra’iisul awasaare Abiy Axmed ayaa 174 kursi u baahnaa, si uu ugu guuleysto doorashada.

Doorashada ayaa weli ka dhicin ku dhawaad 100 deegaan doorasho oo ay uga qabsoomi wayday sababa amni darro.

Doorashadii dhawaan qeybo ka mid ah Itoobiya ka dhacday ayaa gorfeeyeyaal badani ku tilmaameen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.”

PUNTLAND POST

The post Yaa ku guuleystay doorashadii Itoobiya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this