Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho ay ka maqan yihiin garabka Cabdi Caashi oo guddoon loogu doortay guddiga gobollada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada metelaya Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku doorteen guddoon cusub.

7-xubnood oo ka mid ah guddigaas ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale.

Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa lagu shaaciyey doorashadaan, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnaha wax doortay aysan ku jirin kuwii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Todobada xubnood ee maanta guddoonka dooratay afar ka mid ah waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, halka 3-da kale ay yihiin kuwii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana goobta doorashada guddoonka ka maqnaa xubnihii uu soo magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon.

Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, oo la xajinayo dhanka Mahdi Guuleed, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi, ayada oo la sheegay in Rooble uu aqbalay.

Si kastaba, doorashadii maanta ayaa lagu jebiyey ballan-qaadkii uu sameeyey Rooble, ayada oo saddexdii xubnood ee uu magacaabay ay doorashada ka qeyb-galeen, sidoo kalena doorashadii lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi.

Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa inuu berri warbaahinta la hadlo, isla markaana uu cadeeyo mowqifkooda ku aadan guddoonka la doortay ee guddiga maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada federaalka ee gobollada waqooyi.

215551131_234027298554063_60397540313560 214725276_234027355220724_19111482863768 214747479_234027491887377_60974875054006 214851393_234027431887383_85162999162255 38ca64b5-6507-4911-88ae-8346bc0c4047.jpg

The post Doorasho ay ka maqan yihiin garabka Cabdi Caashi oo guddoon loogu doortay guddiga gobollada Waqooyi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this