Sign in to follow this  
Deeq A.

Saleebaan Cali Koore: “Aniga ayaa bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablaha calanka Soomaaliya xidhtay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Wararka PP) — Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablo magaalada Laascaanood ku dhex xirtay calanka Soomaaliya.

Odayaal Wasiir Saleebaan ay hayb wadaagaan ayaa ka codsaday isaga sii daynta gabdhaha. Wasiirka wuu ku gacan-saydhay codsiga odayaasha.

FB_IMG_16259397457253070.jpg?resize=714%Saleebaan Y. Cali Koore: “Amarkayga ayaa hablaha Laascaanood lagu soo xidhxidhay.”

“Sharciga dalka waa loo siman yahay. Way ogaayeen in dowladda Somaliland mamnuucday ku labbisashada calanka Soomaaliya sidaas darteed hablaha waxaa lagu qaadayaa sharciga” ayuu Saleebaan ku yidhi odayaasha ku sugan Laascaanood oo telefoon kula hadlay wasiirka.

Wasiir Saleebaan ayaa mowqif la mid ah mowqifkan gaadhay toddobaad ka hor markii dhallinyaro Boorame ku sugan xabsiga loo taxaabay iyagoo lagu eedeeyay inay ku xafladeeyeen calanka Soomaaliya.

© Puntland Post, 2021

The post Saleebaan Cali Koore: “Aniga ayaa bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablaha calanka Soomaaliya xidhtay” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this