Deeq A. Posted July 10, 2021 Waxanan u qalab qaataa wax akhris, wax qoris ama wax qabad.- Waa maxay wadaniyad, bal dib u jaleec hillinkii dheeraa ee xornimada iyo qaranimada Somaliland loo soo maray, sideese shacabkayga loogu beeri karaa geedka wadaniyada ay lahaayeen. Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada burco, xasuuqii 20.12.84. lagu toogtey waxgarad kii, Somaliland. Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada Muqdisho, xasuuqii, 18.07.89. Waxii shucuur iyo qiiro aad uqabto dalkaaga iyo deegaankaaga wey kuu hayaan; Waxaad damqasho iyo diirnax aad u hayso dadkaaga dalkaaga iyo duunyadiisaba wey kuu og yihiin. Waxii wel wel iyo walaac kusoo food-saara, ama waxqabad, shacabkaaga iyo dalkaaguba wey kuu og yihiin, dhalinyarada u xidhan calamada ee ka soo jeeda Sool iyo Awdal, kuna xidhan qeyrul dastuuri, maxkamadna lana marin, degdeg haloo sii daayo. (Waa talo). PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKIYA. jaafaa66@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites