Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha qaraxa Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210710_123717591.jpg?resi

Ilaa 8 qof oo isugu jira rayid iyo ciidan ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 10 qof oo isugu jira ilaalada Farxaan Qaroole iyo dad rayid ah oo ka dhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari Saaruf ah ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxumuud Qaroole oo marayay meel u dhaw Isbitaalka Banaadir.

Taliye Farxaan Qaroole ayaa la doonayay in weerarkaas lagu khaarajiyo, sida ay xaqiijiyeen Booliska Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa sidoo kale sababay burburka dhismayaal iyo xarumo ganacsi oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay.

PUNTLAND POST

The post Khasaaraha qaraxa Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this