Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garbahaarrey

Recommended Posts

Deeq A.   
1-14.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Rooble ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan.

Ujeedada ugu weyn ee safarka Ra’isul Wasaare ee Jubaland ayaa ah sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland, kaas oo la xiriira maamulka gobolka Gedo oo muddo dheer khilaaf ka taagnaa.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin labada magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garbahaarrey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this