Sign in to follow this  
Deeq A.

Boob Loo Geystay Goobo Ganacsi Oo Soomaali Ku Lahayeen Dalka Koofur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Eastren Cape)-Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo KwaNobuhle Township ee gobolka Eastren Cape ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe ay ka bilaameen rabshado xooggan oo ay daba socdeen boob loo geystay dukaamo ganacsi oo ay halkaasi ku lahayeen Muwaadiniin Soomaali ah.

Rabshadaha iyo boobka dhacay ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah ganacsatada ajaaniibta ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya uu toogasho ku dilay mid ka mid ah dadka deegaankaas oo la sheegay inuu ahaa ganacsade, inkastoo aanan la sheegin sababta uu u dilay.

Waxaa sidoo kale la sheegay in labo ka mid ah ajaaniibta ganacsiyada ku leh dalkaasi lagu dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku yaalla deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape.

Rabshadaha iyo boobka Xalay ka dhacay deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape ayaa lagu boobay ilaa 7 Tukaan oo la sheegay in sadax ka mid ah lahayeen muwaadiniin Soomaali ah, halka afarta kalana ay lahayeen Itobiyaan, waxaana la sheegay boobka kadib in lagu gubay goobahii ganacsiga.

Dalka Koofur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka, dhaca iyo boobka lagu beegsado goobaha ganacsiga ee ay dalkaasi ku leeyihiin dadka ajaaniibta ah oo ay ugu horeyaan muwaadiniinta Soomaali ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this