Sign in to follow this  
Deeq A.

Haiti Oo Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Weydiisatay Mareykanka Iyo Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Haiti)-Dowladda Haiti ayaa Jimcihii ka codsatay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay in ay u soo diraan ciidamo ka caawiya sugidda ammaanka goobaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekadaha, kaddib shirqoolki lagu dilay madaxweynihi dalkaasi Jovenel Moise.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in madaxweynihi dalkaasi ay habeenkii Arbacad dileen rag hubeysan oo lagu sheegay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah.

Dilka madaxweyne Moise ayaa laga cabsi qabaa in dalkaasi oo markii horeba fakhri la ciirciirayay in ay xaaladda hadda uu ku suganyaha ka sii darto, gaar ahaan qalalaaso siyaasadeed, gaajo, budhcadda qowleysatada ah iyo faafista cudurka COVID-19.

Wasiirka doorashooyinka Mathias Pierre ayaa sheegay in ra’isulwasaaraha kumeelgaarka ah ee Haiti Claude Joseph uu u gudbiyay codsiga ciidamo amniga ka caawiya, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ay khadka telefoonka ku wada hadleen Arbacadi, sidoo kale Khamiistii ayay Haiti ciidamo weydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kooxda dishay madaxweynihi Haiti ayaa la sheegay in 16 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil horay uga soo mid noqday militariga Colombia iyo 2 nin oo Mareykan ah, basle asal ahaan kasoo jeeda Haiti.

17 ka mid ah ragaasi ayaa la qabtay, saddex waa la dilay qaar kalana wali waa lagu raad joogaa.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this