Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo taliye sare oo ka bad-baaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxay waxyeelo soo saartay askar kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net

The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo taliye sare oo ka bad-baaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this