Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Dabageed oo u sii gudbay Buulo-Burte + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa ugu dambeyn Beledweyn uga sii gudbay degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey.

Yuusuf Dabageed oo hoggaaminayo wafdi ay qeyb ka yihiin xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray magaalada Buulo-Burte.

U jeeda socdaalka madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa la xiriira xarig jarka xerada taliska qeybta 27-aad oo laga furi doono gudaha degmadaasi.

Sidoo kale Dabageed ayaa kulamo ku aadan xaaladda Buulo-Burte la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle sidoo kale inta uu ku sugan yahay halkaasi, waxa uu kormeeri doono xarumaha ciidamada iyo meelaha muhiimka ah ee magaaladaasi.

Safarka Dabageed ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib, markii ay kasii dartay xiisada ka taagan Beledweyne ee u dhexeysa HirShabelle iyo Janaraalka gadoodsan ee Xuud.

Generalka oo dhowaan gudaha u galay magaalada ayaa maleeshiyaadkiisa iyo ciidanka ammaanka waxay isku rasaaseeyeen gudaha degmada Beledweyne.

HirShabelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hoggaanka maamulkaasi iyo fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar.

215632957_2981362878773211_8848494137420 202617109_2981362928773206_6771899710156 214791790_2981363072106525_7665254046642 214812117_2981362965439869_2129765842344

The post Yuusuf Dabageed oo u sii gudbay Buulo-Burte + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this