Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii lala beegsaday taliye Farxaan Qaroole + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole oo marayey waddadaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay qaraxaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay in taliyaha uu ka bad-baaday qaraxa.

Sidoo kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro khasaare xoog-leh oo ka dhashay qaraxaas, kaas oo leh dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo,” ayaa lagu yiri warka kaso baxay talis Booliska.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayo muraayadaha baabuurka uu qaraxu haleelay oo daadsan iyo burbur gaaray dhismaha ku yaal halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Weli xaaladda isgoyska Banaadir ayaa cakiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda  Soomaaliya oo baaritaano ka wada halkaasi.

Si kastaba, qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

IMG-20210710-WA0005-Copy.jpg IMG-20210710-WA0003-Copy.jpgCapture-8-750x430-1.jpg IMG-20210710-WA0004-Copy.jpg

The post Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii lala beegsaday taliye Farxaan Qaroole + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this