Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax gilgilay Muqdisho oo khasaare weyn geystay+Taliyihii lala beegsaday oo ka badbaadey

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax gilgilay Muqdisho oo khasaare weyn geystay+Taliyihii lala beegsaday oo ka badbaadeyFarxaan Qaroole

Farxaan Qaroole

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole” oo isagu ka badbaaday qaraxaas.

Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wakaalada wararka ee SONNA.

Bilooyinkii ugu dembeeyay waxaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay dadku isku soo xiraan, kuwaas oo lala beegsanayay bartilmaameedyo kala duwan.

Qaraxyadaas ayaa waxay sababeen iney dad badan ku dhintaan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan. Soomaaliya waxaa kusoo badnaan jiray qaraxyada loo adeegsado gawaarida iyo miinooyinka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this