Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Garbahaarrey Ku Wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filaya in uu maanta gaaro magaalada garbahaarrey ee gobalke Gedo.

Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey.

Waxaa dhammaan aad loo adkeyay ammaanka magaalada, xilli shalay gelinkii dambe magaalada ay gaareen wafdi horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha .

Saaka ayaa magaalada laga dareemaya diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha, oo saacadaha soo socda gaari doona magaalada garbahaarrey.

Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this