Deeq A. Posted July 10, 2021 Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filaya in uu maanta gaaro magaalada garbahaarrey ee gobalke Gedo. Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey. Waxaa dhammaan aad loo adkeyay ammaanka magaalada, xilli shalay gelinkii dambe magaalada ay gaareen wafdi horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha . Saaka ayaa magaalada laga dareemaya diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha, oo saacadaha soo socda gaari doona magaalada garbahaarrey. Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites