Sign in to follow this  
Deeq A.

Caqabad soo wajahday mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Shilin-Soomaali.jpg?resize=960%2C640&ssl

16-kii January ee sannadkan 2021, xukuumadda Puntland ayaa go’aamisay in mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada 20% lagu bixiyo Shilin Soomaali, si loo socod-siiyo isticmaalka Shilinka.

Dowladda ayaa sidoo kale hirgelisay xarumo kooban oo qaabilsan sarrifka lacagta, halkaas oo dadka looga sarrifo Shilin Soomaaliga, si loo soo celiyo kalsoonida lagu qabo Shilinka.

Haddaba, Tallaabadaas oo mudda lix bilood ah shaqaysay ayaa haatan caqabad ku timid, kadib markii xarumihii qaabilsanaa sarrifka ay si cad u diideen qabashada Shilin Soomaaliga.

Arrintan ayaa saamayn ba’an ku yeelatay shaqaalaha kala duwan iyo ciidamada Puntland oo 20% mushaharka ku qaata Shilin Soomaali, kuwaas oo hadda aan haysan cid u sarrifta lacagta.

waxa nala dhahay: dowladda ha ceebaynina ee wixiina guryaha dhigta (Shilinka), hadaad sarrif u waydeen” ayuu yiri qof shaqaale ah oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

Waxa xusid mudan, in lacagta shilin Soomaaligu aysan haatan ka shaqayn gudaha Puntland, iyadoo aysan wax isbeddel ah keenin dhammaan go’aannadii dowladdu ku wajahday socod-siinta Shilinka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise

The post Caqabad soo wajahday mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this