Deeq A. Posted July 9, 2021 Mar haddii uu soo gabogaboobay tartankii ku bilowday doorashada mudanayaasha golaha deegaanka ee Boorama iyo loollankii xigay ee duqa degmada iyo xigihiisa, waxa la joogaa waqtigii laysku talo darsan lahaa. Waxan ka dhaqaaqaynaa in dhammaan mudanayaashu maaddaama ay soo galeen tartan adag oon rafaad yarayn ay leeyihiin himilo iyo meel ay rabaan in degmada ay gaarsiiyaan. Rabitaanka aan maraga ka ahayn hedalkii loo maray waa in uu yahay mid xooggan. Rabitaanka sidaas u xooggan wuxu keenayaa in mudanayaashu qaataan go’aan horseeda in si dhab ah degmada wax looga beddalo. Gebi ahaanba waa in dib loo qaabeeyo xisaabtii hore ee taallay xafiiska degmada ee Dowladda Hoose. Qorshaha iyo kala hormarinta mudnaaneed ee la siinayo waxa u madaxbannaan duqa magaalada ee dooran. Taasi nagama reebayso in aan ku darsanno talo iyo tusaalayaal, bacdamaa aan wax ka ognahay baahiyaha degmada aanan ka mid nahay muwaadiniinteeda. Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites