Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble iyo Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Jubooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-10.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ciidamada Taliska qeybta 43-aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa bogaadin u jeediyay ciidankaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyay dadaalka dowladda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga jawaabo baahiyada ay qabaan ciidamada.

R/wasaare Rooble,waxa uu ciidanka ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Nabad-Diidka. Isagoona balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax u qabashada ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulamada uu la qaatay ciidanka ku weheliyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.

PUNTLAND POST

The post Rooble iyo Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Jubooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this