Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaasha Afrikaanka ah ee la khaarajiyey iyaga oo xukunka haya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaasha Afrikaanka ah ee Toogasho lagu dilay iyaga oo xukunka haya

presidents.jpg

Dhacdooyinka dilalka qorsheysan ee ka dhaca wadamada waaweyn ayaa aad hoos ugu dhacay sanadihii la soo dhaafay, balse waxay u muuqataa wali in ay dalalka qaar ka dhaceyaan.

Madaxweynaha dalka Haiti, Jovenel Moïse ayaa shalay la toogtay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaas.

Rag hubeysan oo aanan heybtooda la aqoon ayaa weerar ku qaaday guriga madaxweynaha qiyaastii koowdii habeennimo ee waqtiga dalkaas.

Kusimaha ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in la qaaday tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo dalka, wuxuuna haatan la wareegay awoodda dalkan ku yaalla gacanka Caribbean-ka, isaga oo shacabka ugu baaqay in xasillooni ay muujiyaan.

Dhacdooyinka dilalka qorsheysan waxay ka dhacaan dunida oo dhan, balse inta badan waxay ka dhacaan Bariga Dhexe, Koonfur-bari Aasiya iyo Saxaraha hoose ee Afrika.

Halkan kaga bogo qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika ee toogashada lagu dilay iyaga oo weli xukunka haya.

1: Idriss Deby – Chad

Idriss Deby

Madaxweynihii dalka Chad, Idriss Déby, ayaa si lama filaan ah ku geeriyooday kaddib markii uu dagaal dhacay isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ay ciidamada waddankiisa kula jiraan xoogagga fallaagada,.

Déby oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dowladdiisa ku howlan yihiin olole ay ku qabsanayaan dhul hor leh.

Dagaalka madaxweynaha lagu dilay waxaa fuliyay fallaagada ku sugan xadka u dhaxeeya Chad iyo Liibiya, halkaas oo ah goobta uu tagay Déby.

Mr Déby wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 1990-kii, in ka badan 30 sano ayuuna xilka hayay.

 

Idriss Déby wuxuu ku dhashay magaalada Fada ee bariga dalka Chad sanadkii 1952-kii. Isagoo ah askari ka tirsan militariga ayuu siyaasigii lagu magacaabi jiray Hissen Habre ka caawiyay inuu xukunka ka tuuro Goukouki Oueddei, sanadkii 1982-kii.

1989-kii, wuxuu u baxsaday dalka Suudaan kaddib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgambi militari.

Laakiin hal sano kaddib xisbigiisa oo la magac baxay dhaqdhaqaaqa waddaniga ayaa kacdoon hubeysan oo ay sameeyeen xukunka uga tuuray Mr Habre oo dalka dibaddiisa u cararay. 1991-kii ayay ku dhawaaqeen in Mr Déby uu yahay madaxweynaha Chad.

2: Sheekh Cabayd Aman Karume – Zanzibar

Sheikh Abeid Aman Karume

Wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Zanzibaar iyo ku-xigeenkiisii ​​ugu horreeyay ee Tanzania.

Sheekh Karume waxaa lagu toogtay dhismaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga Afro-Shirazi (ASP) oo ku taala Zanzibar, bishii Abriil 7, 1972.

Waxaa la sheegay in nin ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah uu fuliyay weerarka, in kastoo aan ilaa hadda la hubin, sababo la xiriira ku dhawaaqida geerida hoggaamiyaha oo aan horay loo sii shaacin, taas oo aan laga ilaabi doonin taariikhda jasiiraddii xoraynta.

3: Mucamar Qadaafi – Libya

Muammar Gaddafi

Waxaa lagu xasuustaa awoodiisa militari ee ka caawisay inuu xukunka la wareego sannadkii 1969.

Waa la qabtay oo la jirdilay ka hor intaan la dilin, bishii Oktoobar 20, 2011, ka dib isku dhacyo taxane ah oo loogu magac daray ‘Dagaalkii Sirte’ ee u dhaxeeyay askarta daacada u ahaa isaga iyo ciidamada NTC oo aan adeecin.

Arrintaas waxay ka dhalatay kacdoonkii dalalka carabta oo dalka Libya gaaray, illaa xukunka laga tuuray Qadaafi.

4: Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Soomaaliya

Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu xilka madaxweynaha hayay muddo ku dhow laba sano iyo bar.
Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu xilka madaxweynaha hayay muddo ku dhow laba sano iyo bar.

Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la dilay 15 October, 1969. Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ee si nabad ah xilka kula wareegay, balse dilkiisii ka dib, waxaa xukunkii dalka la wareegay militarigii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Cabdirashiid wuxuu sidoo kale noqday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya, 1960 illaa 1964.

5: Laurent-Desire Kabila – DR Congo

.

Wuxuu ahaa Madaxweynihii seddexaad ee DR Congo, oo xilligaas loo yaqaanay Zaire.

Wuxuu dalka xukumayay laga soo bilaabo 1997 illaa markii la dilay, bishii Janaayo 2001.

Markii xukunka uu la wareegay madaxweynihii isaga ka dambeeyay, Mobutu Seseseko, wuxuu badelay dastuurka wuxuuna dib usoo celiyay DRC wuxuuna tirtiray magaca Zaire.

Laurent-Desire Kabila Waxaa lagu toogtay xafiiskiisa, bishii Janaayo 16 2001. Waxaana isla markiiba loo qaaday Zimbabwe si loogu daweeyo.

Geeridiisa ayaa la shaaciyey Janaayo 18. Wasiirkii caafimaadka ee xilligaas, Leonard Mamba, wuxuu ku sugnaa qolka labaad, markii uu weerarku dhacayey.

6: João Bernardo Vieira – Guinea Bissau

João Bernardo Vieira

Vieira wuxuu u hogaamiyay Guinea-Bissau sedex xilli oo kala duwan, laga soo bilaabo 1980 ilaa 1984, wuxuu xilka qabaty markii labaad 1984 ilaa 1999. Mar saddexaad ayuu haddana ku soo noqday 2005 ilaa 2009. Vieira wuxuu Guinea-Bissau hogaamiyay 19 sano.

Afar sano ka dib (2-da Maarso 2009) waxaa dilay askartiisa, saacado uun ka dib, dilkii taliyaha ciidanka General Batsta Tagme Na Waie.

Warbixinnada ku saabsan dhimashadiisa ma cadda. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in lagu dilay bambo, kuwa kalena lagu dilay rasaas markii dambena bambo lagu qarxiyay.

7: Samuel Doe – Liberia

.

Samuel K. Doe wuxuu ahaa Madaxweyne laga bilaabo Abriil 12, 1980, wuxuuna hoggaaminayay afgembigii militariga ee Monrovia ee xukunka looga tuuray William Tolbert.

Samuel Kanyon Doe, oo ah ruug cadaa ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, oo xukunka kula wareegay qori, wuxuu madaxweyne ahaa 10 sano, intii u dhaxeysay 1980 illaa 1990.

Wuxuu caan ku ahaa xukun kaliye talisnimo ah ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

8: General Ibrahim Baré Maïnassara- Niger

Maïnassara wuxuu Niger hogaamiyay seddex sano ka hor intaan la dilin 1999

Maïnassara, wuxuu ahaa xubin ka tirsan Maouri ee qowmiyadda Hausa, wuxuuna xukumayay Niger muddo seddex sano ah – intii u dhaxeysay 1996 iyo 1999.

Wuxuu soo afjaray xukunkii militariga sannadkii 1991, ilaa Maarso 1995. Maïnassara wuxuu noqday Taliyaha Ciidamada Difaaca ee dalkaas.

Doorashadii baarlamaanka ee Janaayo 1995, waxay dhalisay xiisad u dhaxeysay madaxweynihii xilligaas Mahamane Ousmane iyo aqlabiyadda baarlamaanka oo ay hoggaaminayeen xildhibaannada mucaaradka ee uu horkacayay ra’iisul wasaaraha, Hama Amadou.

Taas waxay sababtay in dowladdu ay khalkhal gasho oo ay noqoto mid awood la’aan ah, waxayna ahayd markii uu Maïnassara, abaanduulaha ciidanka, uu xafiiska la wareegay oo uu madaxweyne noqday, bishii January 27, 1996.

Geeridiisii ​​ka dib, Raiisal wasaare Amadou iyo hogaamiyeyaasha kale ee sarsare waxay ku dhawaaqeen in ay yihiin madaxweynayaal.

Ka dib hogaamiyihii militariga Daouda Malam Wanke, ayaa soo faragaliyay wuxuuna isku magacaabay madaxwayne bishii Abriil 11, 1999, waxaa tallaabadaas lagu tilmaamay afgambi ula kac ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this