Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax xildhibaan oo loo diiday Kismaayo iyo Jubaland oo ka hadashay waxa sababay

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210708_225014254.jpg?resi

Cabdi Cali Raage oo sheegay in uu yahay musharax xildhibaan ayaa maanta diyaarad uu saarnaa laga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Musharaxa oo markii hore ka duulay Muqdisho ayaa diyaaradii uu saarnaa markii ay ku hoobatay garoonaka Kismaayo lagu wargeliyay duuliyaha in uusan sababo amni awgood uga degi karin garoonka.

Cabdi Cali Raage oo markii uu dib uga laabtay Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabada loogu diiday Kismaayo ay tahay mid mugdi galinaysa doorasho hufan oo ka dhacda Jubaland.

Muuqaalka Cabdi Raage

Cabdi Cali Raage ayaa ah lataliyaha Madaxweyne Farmajo ee arrimaha doorashada.

Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa ka hadlay sababta ay Cabdi Cali Raage ugu diideen in uu ka soo dego Kismaayo.

Taliyaha Booliska Qeybta Jubbada hoose Gashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maalmahii la soo dhaafay ay la socdeen dhaqdhaqaaqyo ay kooxo uu hormuud u yahay Cabdi Cali Raage ka wadeen gudaha Kismaayo, kuwaas oo sida uu tilmaamay doonayay in ay magaalada soo galiyaan hub sharci darro ah.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ay maanta ciidamadu ka warheleen in Cabdi Cali Raage uu ka soo kicitimay Muqdisho isaga oo isticmalaaya magac aan kiisa ahayn si uu u yimaado magaalada Kismaayo, kaddibna ay ciidammu amreen in uusan kaso degi larin garoonka diyaaraha Kismaayo.

Muuqaalka Taliyaha

PUNTLAND POST

The post Musharax xildhibaan oo loo diiday Kismaayo iyo Jubaland oo ka hadashay waxa sababay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this