Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargeys Caan Ah Oo War Been Ah Ka Qoray Soomaalida Oo La Ganaaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Britain ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 15,000 oo Geniga Ingiriiska iyo Kharashka Dacwadaha, kadib markii ay Hay’ad Islaami ah ku eedeeyeen inay Muhaajiriinta Soomaalida u soo tahriibiyaan dalalka Europe.

Wargeyska waxa uu bishii December 10-dii ee sannadkii hore ee 2020-kii qoray Maqaal ku xidhiidhinaya Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ee Xarunteeda Dhexe ku taallo dalka UK inay Muhaajiriinta Soomaalida ka taageeraan sidii ay u soo gaadhi lahaayeen dalka UK.

Waa markii Labaad ee ay Hay’adda Al-khair loo xukmiyo Lacago Magdhow oo la xidhiidha Warbixinta beenta ee ay qaar ka mid ah Warbahinta UK ka faafiyeen.

Bishii April ee sannadkan, Wargeyska kale ee The Times waxay oggolaadeen inay bixiyaan Ganaax lacageed oo dhan 50,000 oo Giniga Ingiriiska, Kharajka Dacwadaha iyo inay bixiyaan Raalli-gelin Daabacan, kadib markii ay Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ka qoreen Warbixin aan raad lahayn oo ku aadan inay Hay’addaasi ku lug leedahay Is-xambaarka Muhaajiriinta ku sugan dalka Giriiga.

Warbixinta Wargeyska The Times qoray ayaa waxa uu ku sifeeyey Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation iyo Asasaha Hay’adaasi oo lagu magacaabo Imaam Qaasim Rashiid Axmed inay ku lug leeyihiin Dembiyada Tahriibinta iyo sidii Muhaajiriinta Soomaalida ku sugan Turkiga uga taageeri lahaayeen sidii ay ku soo gaari lahaayeen dalalka Europe.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation ayaa soo dhaweeyey Xukunkasi, isagoo xusay inay Kharajka magdhowga u adeegsan doonaan Hawlaha Samafalka ee ay ugu adeegaan dadka nugul ee ku nool qeybo ka midah dalalka Caalamka.

Hay’adda Samafalka ee Al-Khair Foundation oo la asaasay sanadkii 2003-dii waxay Adeegyada Samafalka ee 10-kii sano ee la soo dhaafay ku bixiyeen kharaj dhan 200 milyan oo Giniga Ingiriiska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this