Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Daabacaadda Manhajkii Waxbarashada Dugsiyada Somaliland Ee Laga Wareejiyay Shirkadda HEMA BOOKS?

Recommended Posts

Deeq A.   

Mashruucii Madaxweyne Biixi Lagu Amaanay ee uu ku soo celiyay Gacanta Dawladda Oo U Muuqda Inaanu Hirgalin Iyo Qoraalkii Manhajka Oo Aan Wali Gacanta Wasaaradda Ku Soo Noqon.

(SLT-Hargeysa)-Muddo sanad ku dhaw ayaa laga joogaa markii uu Madaxweyne Biixi soo saaray degreetu uu madbacadda Qaranka Somaliland ku soo celiyay Daabacaadda Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Somaliland, Illaa haddana waxba kama suurtagalin inuu go’aankaasi fulo ama uu hirgalo.

Xogo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in sababta Mashruucaasi illa hadda u hirgali laayahay ay ugu horayso inaan Gabi ahaanba Wasaaradda Waxbarashadu illa hadda helin qoraalkii manhajka oo softi ah ama qoraal ah kaasi ay gacanta ku haysay Shirkadda HEMO BOOKS oo mashruucaasi uu siiyay islamarkaana uu gacanta u galiyay Manhajka oo qoran Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane, waxaana la sheegayaa in illaa hadda laga soo saari kari laayahay Shirkaddaasi oo aan wali ka samrin in mashruucaasi laga wareejiyay.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ayaa sheegaya in wasiirka Waxbarashada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) uu dadaal dheer oo uu sameeyay ay u suurtoobi wayday inuu Qoraalka Manhajkaasi kasoo celiyo Shirkaddii gacanta ku haysay oo iyaduna dhinaceeda ku dacwayaysa inaannu sharci ahayn go’aan mashruucaasi loogala noqday. Wargeyska Foore ayaa ogaaday In Wasiirku uu sidoo kale isku dayay inuu dib qoraal ugu diyaariyo Manhajka islamarkaana uu macalimiin guri ku ururiyay balse illaa iyo  hadda aanay talaabadaasina u hirgalin. Wakhtigan oo dib loo furay sanad dugsiyeedkii Waxbarashada Shahaadiga ah ayaa si weyn looga dhursugayay inay Madbacadda Qaranku daabacaddeedii koowaad ee Manhajka Waxbarashada Dugsiyada H/dhexe iyo dugsiyada sare xadhiga ka jarto oo ay si rasmi ah ula wareegto balse ma suurtagalin, sababo la xidhiidha awgeed wasaaradda Waxbarashada oo tahli wayday inay lasoo wareegto manhajkii oo qoraal ah.

Bulshada ayaa aad u soo dhawaysay markii uu Madaxweyne Biixi gacanta dawlada ku soo celiyay Mashruucan oo ay Xukuumaddii ka horaysay ku wareejisay Shirkad dad gaar ahi leeyihiin taasi oo mudo badan dheefsanaysay balse waxay hadda u muuqataa in Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu ay culaysyo badan kala kulmeen qaabkii mashruucaasi loo taabo galin lahaa. Dhinaca kale waxa si weyn dib u hayn loogu sameeyay sida ay Wasaaradda Waxbarashadu hore u sheegtay Madbacadda Qaranka oo loo diyaariyay awoodii ay ku qaabil lahayd Daabacaadda Manhajka Waxbarashada dugsiyada Somaliland, iyadoo mashiino Cusub iyo agab kale loo soo iibiyay Madbacadda.

Iskuday badan oo aanu samaynay inaanu khadka telefanka ku helno Wasiirka Waxbarashada iyo Masuuliyiinta Shirkadda HEMO BOOKS si aanu arintani wax uga waydiino, noomay suurtagalin, waxaanay naga qaban waayeen telefankooda gacanta oo dhacayay.

Bulshada ayaa isha ku haysa halka uu ku dambeyn doono Mashruucani iyo sida ay Xukuukaddu ula soo noqoto Manhajkii qoraalka ahaa ee gacanteeda ka baxay oo ah caqabada illaa hadda mashruucaasi loo dhaqaajin laayahay.

Xigasho: Wargeyska Foore

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this