Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay In Dekedda Berbera Ay Dabooshay Baahidii Dekedaha Ee Dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya, Degmawit Moges, ayaa sheegtay in casriyeynta lagu sameeyey Dekedda Berbera ay horumar dhaqaale u yeelanayso Somaliland,  Itoobiya iyo Afrikaba.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxay sidaas ku sheegtay barnaamij dukumantari ah oo uu baahiyey Telefishanka Qaranka Itoobiya, oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, waxaanay tilmaantay in hore loogu heshiiyey inay hal milyan oo Doolar ku kharash gareeyaan casriyeynta marsadda Berbera.

Degmawit Moges waxay sheegtay   in Itoobiya oo hore u isticmaali jirtay dekedda Jabuuti oo ku filnaan weyday, isla markaana ay ku qasbanaadeen inay qayb ka noqdaan isticmaalka dekedda Berbera, maadaama oo bulshada dalkoodu aad u badan tahay.

Wasiirka Gaadiidka waxay intaas ku dartay in wejigii hore ee ballaadhinta dekedda Berbera dhammaaday isla markaana ay dekedda ku soo xidheen Maraakiib waaweyn iyo Koontiinarradii ugu badnaa waxaanay ku dooday inay dekedda Berbera ka faa’iidaysan doonaan  dad ku dhow Laba Boqol oo Milyan oo qof oo ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika.

Waxa kaloo ay sheegtay in dekedda Berbera ay dabooli karto baahidii dekedeed ee ay Itoobiya haysatay, waxaanay xustay inay wadajir uga qaybqaadanayaan horumarinta dekedda dawladaha  Somaliland, Itoobiya iyo DP World

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa ay xaqiijisay in wax-soo-saarka Beeraha Koonfurta Itoobiya laga dhoofin doono dekedda Berbera, isla markaana wixii ay u baahdaan kala soo degi doonaan dekeddaas, waxaanay caddaysay inay dekedda Berbera ay qiime ahaan aad u  macquul tahay.

Slntv.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this