Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo ka hortimid kulankii dhexmaray Kheyre iyo Maxamed Cirro + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, Mudane Guuleed Saalax Barre ayaa ka fal-celiyey kulankii shalay dhex-maray mushrrax madaxweyne Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Guuleed Saalax ayaa shaaca ka qaaday in wax laga haboon yahay ay tahay in guddiyada doorashooyinka ay kasoo dhex-muuqdaan xarumaha ololaha doorashooyinka ee musharraxiinta, maadaama ay u dhexeeyaan xubnaha u tartamaya doorashooyinka.

“Ma haboona in guddiyada doorashadu ka soo dhex-muuqdaan xarumaha ololaha musharraxiinta, maadaama ay dhex-dhexaad u yihiim dhammaan musharraxiinta,” ayuu qoraalkiisa ku yiri gudoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida iyo shaqada guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal.

“Waxaa muhiim ah in laga durko wax walba oo u muuqda ama keeni kara kalsooni darro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Kulanka Khayre iyo Ciro oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii guddiga uga shaqeyn karaan doorasho madax banaan.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan si rasmi ah loo guda-galayo doorashooyinka dalka, maadaama lasoo saaray jadwalkii lagu wajihi lahaa doorashada.

212339888_3118048498411347_8890497516233 Kheyre-iyo-Cirro.jpeg 213312839_3118049715077892_3922052670023 Kheyre-iyo-Cirro-1.jpeg

The post PUNTLAND oo ka hortimid kulankii dhexmaray Kheyre iyo Maxamed Cirro + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this