Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada

qarannimada

Akhriste ilaa halgankii daraawiish waxaa somaliland ka socday legdan u dhexeeya xaqa iyo baadilka, legdankaasi maalinba heer ayuu joogay. Maalintii Soomaaliyi xorowday oo la asaasay jamhuuriyadii burburtay waxa la isla gartay in guushii gobanimada nin kastaa ha u halgamee ay tahay hanti somaliyeed oo loo siman yahay, somali ayaa guulaysatay isticmaarna wuu jabay. Dawladii la dhisay waxa qaadatay siyaasad lagu sharfayo halgameyaahii guusha, waana sida ay yeeli jireen dalalkii xoroobay oo dhami, waxaa arintaa markhaati u ah suugaantaa iyo qoraaladii la sameeyey intii u dhexaysay 1960-1969. iyadoo ummadu sidaa tahay oo dadkii isku waafaqeen amaanta halgameyaashii daraawiish, kuwii Syl, kuwii SNL, NUF iyo USP ayaa waxa dalka qabsaday saraakiil askar ah oo afgembiyey nidaamkii jamhuuriyadii Somaliya. askartaasi taariikhdii halganka somalida dhib umay geysan in muddo ah. Suugaantii somalida ee midaysnayd saldhigna u ahayd taariikhda qaranku way sii xoogaystay waxaana hormood u noqday abwaanada reer Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xidigihii fanka ee tobanlihii 70naadkii, oo ay ka mid ahaayeen, Muuse Galaal, Hadraawi, Cabdiqays, Qaasim, Xasanganay, Muuse Cali faruur, Adancarab, Xasan sheikh mumin, Dheeg Yasin, Cabdilaahi qarshe, Cali Sugule iyo qaar kale oo badan. Akhriste waagaa waxaanu haysanay suugaan leh aragti midaysan marka laga hadlayo halgankii iyo taariikhda jamhuuriyadii Soomaliyeed oo uu ka mid yahay Seyid Maxamed Cabdille Xasan.

Waxaase arini murugtay markii uu taliskii askartu isu bedelay talis uu nin keliyihi ka arimiyo, oo taliskiiba u ekaysiisay sidii meel uu boqor xukumo, taas oo la dilo ninkii boqorka wax ka sheega. Boqortooyo u egtu waxay bilowday bal inay yeelato taariikh iyada u gaar ah oo aan somalida kale la lahayn, taas waxay kaga dayanayeen dalalka boqoradu xukummaan. Waxa la shaqaalaysiiyey dad sameeya taariikh cusub oo ku fadhida ina Cabdulle Xasan iyo horjoogihii askartii inqilaabka, dadka waxa hormood u noqday Axmed faarax Cali (idaajaa) iyo Aw jaamac cumar ciise. Iyagoo ku shaqaynaya adeegsanayaa wax kastoo qaranku lahaa waxay isku dayeen inay sameeyaan taariikh iyo buugaag aad uga fog xaqiiqooyin ka jiray somaliland waqtigii maxmiyada, adiguba akhriso buugaagta ay ay raggasi qoreen ee ay dadka ugu kala saareen gaal iyo gaalo raac, dabodhilif iwm.

Markiiba waxa bilaabantay falcelin abwaanadii dalku arintaa kaga falceliyeen silsilada maansada Deelley, waa markhaati cad sidii loo falceliyey, waa weerer iyo weerer celis. Markiiba laba iyo laba ayaa la isugu jawaabay iyadoo arin daaran tahay, maxaa qaranka aynu wado leenahay sidaa ugu gelaysaan iyo maxaad dawladayada ugu hadlaysaan. Dabeed arintiiba dagaal gacanta laysula tegey ayay ku dambaysay, qarankii la wado lahaana wuu burburay. Iyadoo sidii loo kala maqanyahay ayaa qaar ka mid ah qalinduuriyaasha Hargaysa ay ku soo dhoweeyeen Hargaysa Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ay u abaabuleen gole uu ka hadlo. Qalinduureyaashaasi kuma ay cibri qaadan wixii ku dhacay raggii ay Idaajaa soo wado shaqayn jireen, isla markaana uu weli taaganyahay khilaaf suugaaneedkii waagaasi, kamay xishoon in Hargaysa ugu yeedhaan Idaajaa oo ay weliba u ammaan u xambaariyaan.

Qalinduureyaashii mid ka mid ah oo la yidhaahdo Yusuf Shaacir ayaa todobaadkan isla soo hortaagay dadka reer somaliland inuu aqbalay guddi xeeldheereyaal ah oo idaajaa ka mid yahay oo Xamar looga taliyo. Haddii loo caqli celiyeyna wuxuu weli la taagan yahay “waan caawinayaa siyaasadni kuma jirto”. Qalinduureyaashu waxay u eg yihiin dad indho la,aan ku jiidhaya khadad cascas oo aan loo dulqaadan karin in laga gudbo. Waxaa hubaal ah haddii arintaa wax laga waydiin lahaa Baabe yusuf, Dheeg, Hadraawi, Cabdiqays, Adan Tarabi inay muujin lahaayen siday uga xunyihiin dhaqanka qalinduureyaasha, taas oo lagu koobi karo”rag dil wuu geyaa qadafse waa lagu duloobaa”

Gebogebadii waxaan odhan laha qalinduure “hore hawgu dhicin waa intaad hanaqa waydaa”

Mohamed Abokor/Gothenburg, Sweden

mohmed.abokor@yahoo.co.uk

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this