Sign in to follow this  
Deeq A.

Jacob Zuma Oo Isku Dhiibay Booliska Xabsigana Loo Taxaabay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Koonfur Afrika)-Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa isku dhiibay booliiska si uu u bilaabo xukun xabsi ah oo ku saabsan quudhsiga maxkamadda.

Waxaa loo kexeeyey xabsi ku dhow gurigiisa sida ay sheegtay hay’addiisu.

Booliska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xidhaan 79 jirkaan haddii aanu isa soo dhiibin isla maalintaas.

Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ka dib markii uu ku guurdarraystay in uu ka qayb qaato baadhitaano musuqmaasuq.

Xukunka ayaa dood sharciyeed oo aan hore loo arag ka dhaliyey Koonfur Afrika, ayadoo waqti kama dambays ah loo qabtay soo xidhitaanka Zuma oo ku aaddanaa Arbacadii 22:00 GMT.

Waqtiga loo qabtay ayaa lagu soo rogay ka dib markii Mr Zuma uu diiday inuu is dhiibo Axadii.

“Madaxweyne Zuma wuxuu go’aansaday inuu u hogaansamo amarka xidhitaanka,” ayaa lagu yidhi qoraalkiisa oo kooban.

Gabadhiisa, Dudu Zuma-Sambudla, ayaa goor dambe ku qortay Twitter-ka in aabaheed “uu ku sii jeedo (xabsiga) xaaladdiisuna ay aad u fiican tahay”.

Mr Zuma waxaa loo xukumay 15-bilood oo xadhig ah 29-kii June kadib markii uu ka horyimid awaamiirtii la siiyay ee ahayd in uu caddeyn ka bixiyo baadhitaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay.

Ganacsatada ayaa lagu eedeeyay inay shirqooleen siyaasiyiinta si ay saameyn ugu yeeshaan hanaanka go’aan qaadashada intii uu xafiiska joogay. Balse Mr Zuma wuxuu dhowr jeer ku celceliyay inuu dhibane u yahay shirqool siyaasadeed.

In kasta oo uu xisbigiisa ka saaray xafiiska 2018, African National Congress (ANC), haddana wuxuu heystaa koox daacad u ah taageerayaashiisa, gaar ahaan gobolka uu ka soo jeedo ee KwaZulu-Natal.

Taageerayaashiisa ayaa gurigiisa ku soo xoomay ka dib intii uusan is dhiibin Arbacadii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this