Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobtan ma tahay halkii ay ku degtay Doontii Nebi Nuux?

Recommended Posts

Deeq A.   

Goobtan ma tahay halkii ay ku degtay Doontii Nebi Nuux?

Jasiiradda qaddiimiga ah ee Nessebar
Jasiiradda qaddiimiga ah ee Nessebar

Nessebar waa magaalo hore oo ku taalla meel u dhaw jasiirad dhacda xeebaha Bulgaria.

Magaaladan waxaa ku yaalla guryo qaddiimi ah oo lagu tiriyo inay jiraan 3,000 oo sano. Hay’adda Qaramada Midoobey ee qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa waxay u aqoonsatay goob taariikhi ah.

Seynisyahannada iyo khuburada taariikhda ayaa daraasaad ku sameeyay qalab badan oo la rumeysan yahay inay adeegsan jireen dadkii qarniyeyaal hore halkaas u deganaa.

Daraasad cusub oo tixraaceysay sida ay jasiiradda aheyd 7000 oo sano ka hor ayay khuburada ku sheegeen in badda madow xilliggaas ay aheyd mid baaxad ahaan yar.

Cilmi-baaris laga sameeyay gudaha baddan ayaa ugu dambeyntii lagu ogaaday daadaadka la garan wayaay ee dhacay iyo qisadii doonta nebi Nuux.

Zdravka Georgieva, oo kamid ah khuburada ku takhasustay cilmiga dhulka kana mid ahaa cilmibaarayaasha badda Sozopol ee Bulgaria kuna dhashay jasiiradda Nessebar ayaa sheegay in uu doonayo in uu wax ka ogaado waxyaabaha lagu arkay badda.

“Waxaa doonayay in aan ogaado waxa ku jiray badda,” ayuu yiri Zdravka Georgieva oo markii ugu horreysay arkay haraagga dooni la garan waayay oo lagu arkay matxaf ku yaalla jasiiradda Nessebar.

Wuxuu sheegay in matxafkan la dhigay waxyaabo taariikhi ah oo ku saabsan taariikhda dadka iyo deegaanka oo uu rajo weyn yahay in uu baaritaan ku sameeyo.

.

Markii uu cilmiga badda kasoo bartay jaamacadda Southampton wuxuu ka rumeeyay riyadiisii aheyd in uu ka qeyb qaato mashaariic ku aadan baaritaannada lagu sameynayo gunta hoose ee badda iyo xeebaha.

Koox ka socota Belgium iyo Britain oo uu hoggaaminayo Professor Jon Adams oo ka socda jaamacadda Southampton oo kaa kashanaya laanta dowladda u qaabilsan baaritaanada biyaha badda ayaa waxay arkeen doon jirtay 2400 sano oo uu lahaa ganacsade u dhashay Giriigga iyo doomo kale oo 60 ah oo ku burburay xeebaha badda.

Khuburrada qaabilsan cilmiga badda waxay rumeysan yihiin inay heleen halkii ay kasoo faracmeen biyihii lagu halaagay qowmkii nebi Nuux iyo burburkii soo gaaray magaalooyinkii qaddiimiga ahaa ee ku yaalla badda Mediterranean-ka iy badda madow muddo lagu qiyaasay 7,600 sanadood ka hor.

.

Qisada Nebiga Nuux waxaa mid caan ah oo lagu sheegay Qur’aanka iyo Injiilka.

Sida lagu xusay buug laga qoray qisadan, ku dhawaaad 20,000 sano badda madow waxaa kala xiray buuro ku yaallay badda Mediterranean-ka.

Dalka Bulgaria waxaa ku yaalla goobo taariikhi ah oo ku xusan marxaladihii ay soo mareen dowladihii Ruum, Giriigga iyo qowmiyadihii hore ee adduunka ku noolaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this