Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Karaash oo lagu eedeeyay xukumane laga saaray xabsiga Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

30-kii bishii hore Juun waxaa xabsiga weyn ee magaalada Qardho laga saaray nin dil toogasho ku xukunaa oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Jaamac.

Xukumanaha oo markii hore nin ku dilay magaalada Laascaanood ayaa dowladda federaalku ku qabatay Muqdisho, waxayna ku soo warejiyay Puntland oo xukunka ku riday.

Odayaal iyo waxgarad dhibane u ah kiiskan oo warbaahinta la hadlay ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ku eedeeyay in uu lug leeyahay siidaynta gacan ku dhiiglaha.

Muuqaalka odayaasha

Odayaasha ayaa sheegay in ninkaas hadda lagu hayo deegaan ka tirsan gobolka Sool, waxayna madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka codsadeen in uu wax ka qabto dhacdadan.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Cabdirisaaq Maxmuud Xirsi ayaa sheegay in maxbuuska toogashada ku xukunaa xabsiga looga saaray arrimo caafimaad, hase ahaatee ay ciidamadii ilaalinayay ula galeen koox hubaysan.

Muuqaalka Afhayeenka Asluubta

Afhayeenka Asluubta wuxuu intaas ku daray in kiiskan ay u xiran yihiin saraakiil ciidan oo ku lug leh, kuwaas oo sida uu sheegay sharciga la horkeeni doono.

PUNTLAND POST

The post Axmed Karaash oo lagu eedeeyay xukumane laga saaray xabsiga Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this