Sign in to follow this  
Deeq A.

Abwaan Shaacir muyaanu ogayn in maamulka Xamar xaaraan ku sheegay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Abwaan Shaacir hadduu u arko in maamulka Xamar sharfay, miyaanu ogayn dastusurka faddaraha ah ee maamulka Xamar dhigtay uu qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda iyo sharafteedaba ku tilmaamay wax aan jirin.

Dastuurka Somaliland waxuu si cad u sheegayaa in maamulka Xamar ee baandadii Talyaanigu gumaysan jiray iyo dastuurka faddaraha ah ee ay isku maamulaan uu yahay cadawga koowaad ee Somaliland .

Qof kasta oo Somaliland u dhashay, ama ku dooda inuu u dhashay oo maamulka Xamar shaqo dawladeed u igmado ama ka hawlgaliyo, waxuu si buuxda u aqoonsanyahay dastuurka Xamar maadaama uu u arko maamul sharco ah

Dawladda Jabuuti iyo Itoobiya, iyo Kiiniya dhammaan waxay qirsan yihiin in shacbiga Somaliland aayahooda iyo qaranimadooda xaq u leeyihiin inay u tashadaan. Waanay ku ixtiraamaan dastuurkaa iyo qaranimadaa ay go’aansadeen.

Saddexdaa dal ee ay Somaliland afka iyo soomaalinimadaba wadaagaan marna kuma doodaan inay ka soo horjeedaan shacbiga Somaliland qaranimadooda iyo aayakatashigooda.

Saddexdaa dalba waxay qirsan yihiin siday masiirkooda ugu tashadeen ee tooda ay ku meel mareen in Somalilandna xaq u leedahay, cidina ku duduuci Karin in masiirkooda meel kale talo laga wayddiiyo.

Abwaan shaacir iyo inta fikirkaa kula bahawda ee durbaanka ka daba tumaysaa, waxay aqoonsadeen in wasiirada xamar maamulkeeda ku jira ee shaqada siinaya. waxay ka dhigantay inay u hoggaansan yihiin dastuurka maamulka xamar, oo ay aqoonsan yihiin.

Taasi waxay meel kaga dhacaysaa qaranimada Somaliland, oo ay ku andacoonayaan inay ka tirsan yihiin, dastuukeedana ay ku dhaqmayaan.

Dastuurka Somaliland waxuu u arkaa maamulka Xamar iyo dastuurka faddaraha ah ee ay dhigteenba xaaraan, mana aqoonsana in maamulkaa Xamar wax jira iyahay. Maamulka xamarna uma arko qaranka Somaliland in wax jira yahay.

Ma jiro ruux odhanaya labadaba waan aqoonsanaoy, hawl dawladeedna labadooda u wada diranayaan.

Way jiraan dad shacbi ah oo aan dawlad Matalin oo Xamar iyo hargaysa isaga dhoofaa. Way jiraan dad shacbi ah oo baayacmushtar u taga labadaba. Dadkaasi lama mid aha qof ay dawladi shaqo u diratay. Waana xaaraan qofku hadduu yidhaa labada maamul iyo labadooda dastuurba waan aamin sanahay hawl qarana waoy ii dirsan karaan.

Xarunta dhaqanka ee hargaysa waxay matashaa jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, mana aha mid hargaysa gaar u ah. Haddii dadka qaar magacu cuqdad ku abuuro . hargaysa waa hooyadii dhaqanka iyo suugaanta iyo afka soomaaligu ku tamariyo.

Way jiraan abwaano badan oo xidhiidh la leh xarunta dhaqanka ee Hargaysa waxbadana iyagaa ka warrama inay kaalin buuxda ka qaataan horumarinta afka iyo dhaqankaba in badanina waxay xataa casharo ka bixiyaan jaamicadaha jamhuuriyadda oo dhan.

Waynu ognahay mujaahidiintii usoo dagaalamay ee naftooda u huray inay qaranka xoreeyaan in kuwa nool iyo kuwii geeriyoodayba aanay xaqoodii helin . haddii qoladan sidii xoolo laga dhacay ku hanjabaya waxbaa naloo diran waayay, oo xamar ayaa nooga sharaf badan , si cad ha u sheegaan inaanay dastuurka Somaliland aamin sanaoyn, markaasay u bannaantay inay xamar tagaan, waxay kala kulmaanba.

Biddeyaasha Xamar dadka uga soo gacan haadiya ee Somaliland u dhashay ee maamulka Xamar kala qayb qaata duminta iyo mijaxaabinta qaranimada Somaliland , waa in xukuumaddu tallaabo ka qaaddaa, xeerilaaliyaha qarankuba shaqadiisa qabsadaa oo dacwad kusoo oogaa dembiyada ay qaranka ka galayaan, maxkamadna loo gudbiyaa, dembiilayaashaas.

Caraancar lug uma dhutiyo, Somaliland way ka maarantaa bidde kasta oo dhuuntu ololayso oo balaayada Xamar taalla naf udoontaa.

Ahmed Yousuf

jicsin@hotmail.com

London U. K

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this