Deeq A. Posted July 7, 2021 Madaxweynihii Dalka Haiti, Jovenel Moïse ayaa maanta a lagu dhex dilay gurigiisa, ka dib weerar ay fuliyeen koox aan la aqoonsan, sida uu warbaahinta u sheegay Ra’iisul wasaaraha kumeel-gaarka ah ee dalkaas, Claude Joseph. Mr Joseph ayaa intaa ku daray inuu tallada isagu uu hayo hadda.Weerarka ka dhacay guriga Madaxweynaha geeriyooday, waxaa kalo ku dhaawacmay marwada koowaad waxaana la dhigay Isbitaal. Weerarka ayaa dhacay iyadoo ay sii kordhayaan mowjadaha rabshadaha la xiriira siyaasadaha iyo falalka burcadnimo ee ka jira waddanka saboolka ah ee ku yaal Caribbean-ka. Dalka Haiti oo dhinaca bari xadduud kala wadaagaa dalka jamhuuriyadda Dominican (Republic of Dominican). Saddexda jiho ee kalana ay bad kaga teedsan tahay , waxaa sidoo kale ka taagan xaalad bina-aadamnimo oo sii kordheysa iyo cunno yari, dilka Madaxweynaha ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo khalkhal baahsan. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii dalka Haiti oo la dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites