Deeq A. Posted July 7, 2021 Hoggaanka Militiriga ee TPLF Jeneraal Tsadkan Gebretensae shaaciyay in ay diyaar u yahiin dhaqan-gelinta xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda ka taagan Gobolka Tigray. Jeneraal Tsadkan oo la hadlay wakaallada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haddana la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad joojin buuxda si lo gaaro xal nabadeed. “Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan, haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arrinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu yiri Jen. Tsadkan. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii ka dhacay gobalka Tigre, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF, waxuu intaa ku daray in ka bixitaankii magaalada Mekelle uu ahaa mid muddo la qorsheynayay oo tashi badan ay gelisay Xukuumadda. PUNTLAND POST The post Jabhadda TPLF oo ku dhawaaqday xabad-joojin appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites