Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad war cusub ka soo saartay Xoggo tibaaxaya in Siciid deniga Puntland ka iibsaday Hotel Qaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkad war cusub ka soo saartay Xoggo tibaaxaya in Siciid deniga Puntland ka iibsaday Hotel Qaaliya

hotel.jpg

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay la baahinayay war ku aadan in Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu iibsaday Hoteelka caanka ah ee Sarova Stanley ee kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaana qoray warkan ku saabsan Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu iibsaday Hotelka Huteelka Sarova Stanley, waxaana warkan uu noqday mid hadal heyn badan ka abuuray gudaha Kenya.

Geesta kalena Maamulka Huteelka Sarova Stanley ayaa beeniyay wararka sheegayay in madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni uu iibsaday huteelkooda ku yaala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi..

Qoraal ay bartooda twitter-ka soo dhigeen ayey ku sheegeen in ay shacabka uga digayaan wararka been abuurka ah ee la xidhiidha in “huteelkooda Nairobi uu iibsaday ganacsade ka soo jeeda Soomaaliya waa Siciid Deniye.”

Sarova Hotels and Resorts Kenya would like to caution the public on a post making rounds on social media alleging that our Nairobi hotel, Sarova Stanley, has been bought by a Business Tycoon from Somalia. The aforementioned post is not factual and is FAKE NEWS.

— Sarova Stanley (@SarovaStanley) July 5, 2021

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa horay u beeniyay arrintan oo aad loogu hadal hayay baraha bulshada kaddib markii wargaysyada dalka Kenya ay qoreen warbixin ay ku sheegeen in madaxweyne Siciid Deni uu iibsaday huteelka Sarova Stanley qaybtiisa magaalada Nairobi.

 Warkan ku saabsan in hotelka Sarova Stanley uu iibsaday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa imaanaya xili uu joogo magaalada Nairobi uuna halkaasi ka wado kulamo siyaasadeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this