Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20210706_172403.jpg?resize=714%2C498&sslXarunta degmada Godobjiraan

Waxaa degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal ka taagan xiisad ka dhalatay wareegtadii dhawaan madaxweyne Deni ku magacaabay maamulka KMG ah ee degmadaas.

Maleeshiyo deegaanka iska abaabushay ayaa maanta is-hortaagay xil wareejin la doonayay in ay maamulka cusub kula wareegaan xafiiska degmada, waxaana israsaaseyn aan khasaare ka dhalan dhexmartay ciidamo la socday mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Nugaal oo halkaas u tagay xil wareejinta iyo maleeshiyada.

Xarunta degmada ayaa gacanta u gashay maleeshiyada deegaanka, waxaana degmada laga dareemayaa xiisad arrintaas la xiriirta, iyadoo aysan jirin cid waan-waan ka dhexwada labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la soo xiriiray warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan dagaal labada ciidan ku dhexmara gudaha magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Nugaal Xuseen Xaaji Cabdule iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay degmadaas u tagay xil wareejinta xiisada dhalisay.

PUNTLAND POST

The post Xiisad ka taagan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this