Deeq A. Posted July 6, 2021 Muqdisho (Caasimada Onlin) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika o loo yaqaan (AFRCOM) ayaa Maanta waxaa Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku wareejiyay Gaadiid dagaal oo ka kooban noocyada kala duwan kadib munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gawaaridaas kala wareegay taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa, waxaana munaasadda sidoo kale goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan AFRICOM iyo xogga dalka. AFRCOM ayaa sheegtay in gawaarida dagaalka ee lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya loogu talagalay ciidamada kumaandooska DANAB oo ay tababartay dowladda Mareykanka si ay usii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. General Odawaa oo hadal ka jeediyey munaasadda gawaarida lagula wareegayey ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey gawaarida ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, Taliyaha ayaa saraakiisha Mareykanka ka socday u ballan qaaday in ciidamada DANAB ay gawaaridaan u isticmaali doonaan sidii loogu tala galay Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jiro kooxda Al-Shabaab . The post Sawirro: Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyay DF appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites