Sign in to follow this  
Deeq A.

Maanta anigu qasaare ma joogo isna qoomamayn maayo, taageerayaasha waddani na khasaare ma joogaan.

Recommended Posts

Deeq A.   
Maanta anigu qasaare ma joogo isna qoomamayn maayo, taageerayaasha waddani na khasaare ma joogaan.
qoobay.jpg
Dad badan ayaa ka xumaaday go’aankaygii aan iskaga casilay xilkii gudoomiyaha Waddani ee dalka Maraykanka iyo xubinimadii xisbiga Waddani sababtu na waxay ahayd mar hadii aanu xisbigu garanyn xisbi-yahanadiisa, raga ay dhab ka tahay siyaasada xisbigu, mucaaradnimadu, iyo wali ba aniga oo u arkaayay in xulashadii musharaxiinta xisbiga lagu saleeyo xisbinimo iyo hal-adayg, markii taladii, himiladii xisbiga ba la afduubay ayaan go’aankii qadhaadhaa ee aan xisbiga kaga baxay qaatay.
Gudoomiye Cirro iyo hogaanka ba hore ayaan ugu sii sheegay inay tan maanta dhacday dhici doonto, alx ilaahay baa igu simay in hadalkaygii rumoobay.
iyadoo aan wali la dooran shir-gudoonkii golaha wakiilada oo aanu maanta jamaal ahayn nin codkiisii la baal maray xisbiga, hadana waxaa xaaraan ah inuu sawir la soo galo madaxwaynaha, inuu gooni uga baxo xildhibaanadii kale ee xisbiga u soo baxay.
Anigu waan la socday labadii usbuuc ee u danbeeyey, waa markii la baad ee uu madaxwaynaha la kulmo, laba jeer ba midna salaan iyo booqasho ugumuu tagin, madaxwaynaha na ismay aqoon oo may ahayn laba nin oo guri ood ku kulmay, sida ka muuqata sawirka waxaa weheliya jamaal waa siyaasiyiintii deegaankiisa, suldaan Maxamed Bare iyo xubno qurba-joog ah, taas baana cadayn u ah inaanay jirin wax la yidhaa salaan baan ugu tagay.
Danta qaranku waa ma dhaafaan ayuu yidhi Jamaal…. Cajiiib
waxaa galabta sheeko leh, nacasnimada guuleed gadhku kaaga soo baxay.
xukuumada madaxwaynuhu hogaaminaayo, golayaasha qaranka iyo xisbiyada siyaasadu waxay u abuuran yihiin danta qaranka, waxaa lagu tartamayaa waa aragtida mid kasta goonidiisa u arko danta qaranku halka ay ku jirto, danta qaranku maaha mid qof ku xidhan ama mid jamaal ku xidhan ama mid madaxwaynaha iyo qof kale ku xidhan, danta qaranka maaha waxa aad madaxtooyada u tagtay ee waa dan kuu gaar ah bulshadii codka ku siisay na kuma matashid dantaada gaarka ah.
1625518663391_1625518661379_162551864646
waxaa la yidhi findhicilku ma xaaraan baa mise waa xalaal? soo hadal qaadkiisa ayaa ba xun, xisbi mucaarid ah oo tartan adag ku jira ayaan ka soo baxay, xisbigii uu la tartamaayay na dhuumasho ayaan ugu tagayaa wax meesha qabta maaha, waxaan ogahay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ba uu xisbigu gaadh ka hayay laakin duunyaa la raacaa oo la soo hooyaaye dadka la raaci karo, xitaa codka hadii uu siiyo C/risaaq Khaliif maaha mid abaal loogu qabo, sharaf, sumcad, dadnimo, aaminaad iyo kalsooni danbe oo xisbi iyo dadkii codka siiyay mid na uu u hayaa ma jirto.
nin baa lagu yidhi waa heedhe ceebtan aad ku dhex jirto maad iska daysid, dabadeed wuxuu ku jawaabay.
Haddii uu roob afarta jiho ba iska soo qabsado, meesha aad maraysaa na tahay ban cidlo ah oo geed aad gasho lahayn, gurigii aad roobka ka gali lahayd na kaa durugsan yahay balse aad orod miciinsato laakin roobkii kugu soo daato adiga oo aan gurigii aad ka gali lahayd gaadhi, dabadeed dharkaagii aad xidhnayd kugu qoyaan, orodka miyaad sii wadaysaa ilayn waatan oo waad qoyan tahay mise waad iska tal-talaabsan doontaa.
jawaabtu waxaa weeye haddii ba aad qoyday oo roobkii kugu da’ay waxba ha cararine qunyar iska soco, waxaa taa ka dhigan hadii ba aad ceebawday waxba kolba dhan haw soo cararin jamaalow ee halkaas aad ku ceebawday iska joog.
Iyadoo dhir geedo ah ninkii beer ka dhiganaayay-
iyo kii u soo dhoofi jiray sow makala dheera
Ninka dhiisha caaniyo qoryaha dhilaya soo qaada-
iyo kii dhismaha uun layimid sow ma kala dheera
Ninka dhigan walaalkii u shubay dhiito iyo caano-
Isaguna dhibaatada la rabo sow ma kala dheera?
Ninka gogosha dhigay ee martida dhab ugu sheekeeya-
iyo kii in uu dhaco u yimid sow ma kala dheera
dhabadoo mugdiya kaad dartiis dheelmad ugu jiiday-
isaguna dharaar kaaga tagay sow ma kala dheera.
Abwaan Yaxye.
Ibraahim Adam Aw Qoobey (Ibraahim dheere).

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this