Deeq A. Posted July 6, 2021 Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa maanta howl-galo culus oo lagu xaqiijinayo amaanka ka bilaabay deegaano ku yaalla duleedka galbeed ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Kheyre oo asagu hogaaminayey howl-galkaas ayaa waxay ka sameeyen oo ay ciidamadu ku sifeeyen siduu sheegay deegaanada Baali, Burjada Ciinta, Doon-Maleeyka oo 25-KM dhanka galbeed ugu bageen magaalada Beledweyne oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagneyd xiisad xoogan. Maxamed Kheyre ayaa markii uu soo idlaaday wajiga koowaad ee howl-galka ku bogaadiyey ciidamada amaanka howlaha sugida amaanka ee ay ka wadaan magaalada Beledweyne iyo deegaanada ku teedsan. Waxa uu faray in la dar-dar geliyo howl-galada lagu sugayo amniga, xili uu maalmo ka hor dagaal ku dhex-maray magaalada Beledweyne ciidamo taabacsan maamulka iyo kuwa daacad u ah Jeneraal Xuud. Magaalada Beledweyne oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu maamulka HirShabeelle ku howlan-yahay sidii looga dhigi lahaa meel nabdoon oo ka maran xiisadaha dagaal ee maalmihii dambe ka taagna. Howl-galadaan ayaa waxay imanaayaan xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa maamulka HirShabeelle iyo jabhada Jeneraal Xuud, ayada oo magaalada ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan, inkasta oo xiligan uu dagan yahay jawiga guud ee magaalada. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada ka taagan Beledweyne appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites