Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday ka soo jeeda Puntland oo lagu dilay gudaha Jaamacadda Camuud

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16255114511175956.jpg?resize=720%

Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ahaa arday dhigta Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame ayaa caawa maqribkii lagu dhex-toogtay gudaha jaamacadda.

Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo ka soo jeeday deegaannada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaalada jaamacadda, kadib markii ay wada murmeen, sida la sheegay.

“Ardaygu imtixaan ayuu ka sooo baxay, markii uu baxaanka u soo baxay ayuu xasuustay taleefoon uu soo ilaaway, kadib wuxuu ku noqday gudaha jaamacadda, badabeedna dilkiisa ayaan ku war helnay, waxaa naloo sheegay in uu dilay mid ka mid ah waardiyaha jaamacadda” sidaas waxaa Puntland Post u sheegay mid ka mid ah ardayda jaamacadda oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka.

Ninka dilka geystay ayaa hadda ku jira gacanta Booliska Somaliland, wuxuuna ku xiran yahay saldhiga magaalada Boorame.

Marxuum Ibraahim ayaa labadii sano ee dambeeyay dhiganayay kulliyada Injineeriga ee jaamacadda.

PUNTLAND POST

The post Arday ka soo jeeda Puntland oo lagu dilay gudaha Jaamacadda Camuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this