Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Saamileyda siyaasada iyo gudiyada doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
joint-press-statement-som_19.jpg?resize=

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ay kamid yihiin jadwalka cusub doorasho.

War-saxaafadeed wadajir ah oo maanta ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo”.

Waxay ugu baaqeen dhammaan saamileyda oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada inay u gutaan si karti leh mas’uuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn.

Beesha Caalamka waxay ku dhiirigalisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah u yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa.

Sidoo kale Beesha Caalamka waxay soo dhaweysay go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxayna ku boorisay madaxda Soomaaliya in la xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka.

Ugu dambeyna Beesha Caalamka waxay sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Saamileyda siyaasada iyo gudiyada doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this